Dayax gacmeed ruushka leeyahay oo burburay

0

Dayax gacmeed lagu magcaabo Luna-25 oo Ruushku leeyahay ayaa ku dul burburay dayaxa dushiisa, sida ay sheegtay wakaaladda sahanka hawada sare ee Ruushku.

Wakaaladda ayaa sheegtay in si aan hore loo sii saadaalin uu u dhaqaaqay dayax-gacmeedku, ka dibna la waayay isgaadhsiintii lagula xidhiidhayey, isaga oo ugu dambayn ku dhacay oogada sare ee dayaxa.

Sabtidii ayay ahayd, markii ay wakaaladda sahanka sare ee Ruushku ay sheegtay inay lumisay xidhiidhkii ay la lahayd dayax-gacmeedka.

Aaladan loo diray hawada sare ayaa loo qorsheeyey inuu ku dego cidhifka koonfureed ee dayaxa, maalinima Isniinta, iyada oo la filayo in toddobaadkan dhammaadkiisa uu isna dayaxa gaadho, dayax-gacmeed kale oo laga leeyahay dalka Hindiya.

Saynisyahannada ayaa aad u xiisaynaya inay xog badan ka helaan cidhifka koonfureed ee dayaxa, iyaga oo aaminsan inay suuro gal tahay in halkaas laga helo biyo, taasoo biyahaas mustaqbalka loo isticmaali karo in loo bedelo hawo ay isticmaalaan cirbixiyeenadu iyo weliba shidaalka ay ku shaqeeyaan gantaallada xambaara dayax-gacmeedada.

Dayax-gacmeedkii ugu dambeeyey ee Ruushku uu dayaxa u diro ayaa ku beegnayd, sannadkii 1976, xilligii uu dalkaas ka talinayey Midawgii Soofiyeeti.

SHARE

LEAVE A REPLY