Dagaalka Laascaanood oo galay maalintii 7-aad oo xiriir ah

0

Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool waxaa maalintii 7aad ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland & Dadka deegaanka, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hanti.

Dagaalka tooska ah waxaa dhinac socda duqeyn ku dhaceysa Guryaha Rayidka ah degen yihiin, Goobaha Caafimaadka, Waxbarashada, Masaajidda & meelaha lagu iibiyo shidaalka, waxyeellada ugu badan waxa ay gaartay Shacabka halkaas ku sugan.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegtay in Ciidamadooda lagu weeraray saldhigyo ay ku leeyihiin Magaalada Laascaanood kuna qasbanaadeen in ay iska difaacaan dhinaca duullaanka ku qaaday waa sida hadalka loo dhigay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegtay in tan iyo markii uu dagaalka billawday Isniintii todobaadkii hore 6da Febaraayo 2023 difaac ku jireen Ciidamadooda, keliya ay iska difaacayeen weerarada lagu qaaday.

Hoggaanka Dhaqanka Laascaanood ayaa sheegay in aanay is lahayn hadalka Somaliland & ficilka ay sameyneyso, waxa ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyeen in ay xasuuq ka geysatay Xarunta Gobolka Sool.

Maxaa sababay in ay dhaqangeli wayso xabbad-joojinta ay ku dhawaaqday Xukuumadda MW Muuse Biixi?

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah kaddib markii soo jeedin ka timid Xisbiyada Mucaaradka ah si loo raadiyo xal aan xabbad ahayn oo baajin kara dhiig kale oo lagu qubo Gobolka Sool.

Dhinaca kasoo horjeeda Ciidanka Somaliland ayaa sheegay in saacaddii lagu dhawaaqay xabbad-joojinta in duqeyn xooggan lagu garaacay qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

Magaalada Hargeysa waxaa lagu wadaa in ay gaaraan wufuud kala duwan oo ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Yurub & qaar kamid ah Waddamada safaaradaha ku leh Magaalada Muqdisho si ay u raadiyaan xal aanay xabbad ahayn.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaalka Magaalada Laascaanood ka socda isla markaana wadahadal lagu dhammeeyo xiisadda ka dhex jirta Somaliland & Dadka kasoo horjeeda ee hormuudka u yihiin Garaadada Dhaqanka.

SHARE

LEAVE A REPLY