Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

0

Ciidamada Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa weerar qorsheysan ka fuliyay deegaan qiyaastii 60 KM dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka qorsheysan oo aysan shaacin dowladda nooca uu ahaa ayay sheegtay iney ku dishay sadax xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Howlgalka ay iska kaashadeen Kumaandooska Danab iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa sidoo kale la sheegay in looga hortagay qataro ay u maleegayeen kooxda Al-shabaab shacabka Soomaaliyeed.

Weerarkaan lagu dilay xubnaha ka tirsan Shabaab ayaa imaanaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay ciidanka Kumaandooska Danab Ururka 5-aad guutada 16-aad oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Jubbaland ay howlgalo qorsheysan ka sameeyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

SHARE

LEAVE A REPLY