Dagaal markale ka qarxay magaalada Laascaanood

0

Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ayaa ku dagaalamay dhanka Bari ee Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka ah.

Dagaalka ayaa dhacay xalay waqti dambe iyada oo la maqlayay jugta hubka ay ku dagaalameen Ciidamada Somaliland & SSC balse lama sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas inta uu gaarsiisan yahay maadaama dadkii deegaankaas intooda badan horay ay u barakaceen.

Duleedka Magaalada Laascaanood waxaa saakay ka socda dhaqdhaqaaq iska soo horjeeda oo ay sameynayaan Ciidanka Somaliland iyo Xoogagga SSC (Sool, Sanaag & Cayn) dhaqdhaqaaqaas ayaa cabsi geliyay Dadka Deegaanka ee rejada ka qaba in dagaalka uu joogsado.

Xaafado katirsan Magaalada Laascaanood waxaa todobaadyadii u dambeeyay dib ugu soo laabanayay qoysaskii horay uga barakacay kaddib markii uu joogsaday dagaalkii tooska ahaa ee sida joogtada ah maalin iyo habeen uga dhici jiray inkasta oo ay weli ay is hor fadhiyaan dhinacyada dagaalamaya.

Baaqyo kala duwan oo loo diray Ciidamada Somaliland iyo Kuwa SSC ayaa loosoo jeediyay in dagaalka ay u baddelaan wadahadal maadaama xalka ugu habboon ee colaaddaas lagu soo afjari karo yahay Laakiin dhegaha ayay ka daboosheen.

In ka badan 120 ruux ayaa ku dhimatay halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan tan iyo markii uu Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland & SSC, boqolaal kun oo qoys ayaa barakacay.

SHARE

LEAVE A REPLY