Dagaal Maalintii Afaraad galay oo ka socda Laascaanood

0

Magaalada Laascaanood e xarunta gobolka Sool waxaa maalintii Afaraad ka socda dagaal u dhexeya Ciidamadda Soomaliland iyo dadka degaanka .

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka soconyo Gooje Cadde oo Ciidamadda Soomaliland Fariisin ay ku leeyihiin isalamarkaana 5 Kiiloomitir u jira Magaalaada Laascaanood.

Xaafado ku yaala Laascaanood ayaa lagu soo warramayaa in madaafiic ay ku dhaceyso in kastoo aan la sheegin khasaare ka dhashay balse Dadka shacabka ah ayaa intooda badan isaga barakacay Magaaladaasi.

Xaaladda Laascaanood ayaa Cakiran , waxaana sii kordhaya waxyeelada uu geysanayo dagaallada ka socdo magaaladaasi.

SHARE

LEAVE A REPLY