Dagaal khasaare geystay oo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan Al-shabaab

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Bidde Ciise oo ka mid ah deegaanada hoostago degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan kooxda Al-shabaab.

Dagaalka dhexmaray Al-shabaab la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warbaahinta Qaranka ayaa baahisay in dagaalka uu yimid kadib markii qaar ka mid ah horjoogyaaasha Shabaab ay isku fahmi waayeen in la dhameystiro oo la dilo dagaalamayaal iyaga ka mid ah oo kusoo dhaawacmay dagaal ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

“ilaa 3 horjooge ayaa la dilay sidoo kale waxaa dhaawac noqday 10 khawaarij. Waaxqna sidoo kale Khawaarijtu ay deegaanka Cowswayne ee Degmada Ceeldheer ku xir xirtay inta badan odayaashii la shaqeyn jiray ee qeybta ka ahaa dhibaateynta dadka ku nool degmada Ceeldheer iyo Deegaanada hoostago” ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay warbaahinta Qaranka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu dagaal dhexmaro ciidamo ka wada tirsan Ururka Al-shabaab, waxaana horay sidaan oo kale deegaano hoostaga degmada Xarardheere ugu wada dagaalamay ciidamo ka wada tirsan Al-shabaab oo iska dilay in ka badan 10 dagaalame.

SHARE

LEAVE A REPLY