Dagaal khasaare badan geystay oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare badan geystay oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay duuleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

Dagaalkaan u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed ayaa xoogiisa dhacay Shalay galinkii dambe, kaasoo qaatay saacado badan soona gaaray ilaa Xalay fiidkii hore.

Dagaal beeleedkaan ayaa la sheegay iney ku dhinteen dad gaaraya 10 ruux oo labada dhinac ah, islamarkaana tiro intaas ka badan ay ku dhaawacneen sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalkaan uu yahay md salka ku haaya muran mudo dheer soo taagana oo la xariira lahaan shaha dhul ku yaala deegaano hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararki ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanada labada maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen ayaa sheegaya in maanta xaaladu ay tahay mid wali kacsan.

Ma jirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amaanka iyo maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeellaha Hoose oo ku aadan dagaal beeleedka ka dhacay duuleedka degmadaas.

SHARE

LEAVE A REPLY