Dagaal khasaare badan geystay oo ka dhacay Bakool

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in galinkii dambe ee Maanta uu halkaas ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalka Maanta ka dhacay magaalada Ceelbarde ayaa lagu soo waramaya inuu ahaa mid u dhaxeeyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada ciidan ee dirirtu dhex martay.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo khasaaraha dhimashada ee uu sababay dagaalka ayaa sheegaya iney tahay ku dhawaad 10 ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah oo rasaasta labada dhinac u dhaxeeysa ay haleeshay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo ku aadan khasaaraha dagaalka iyo waxa sababay inuu qarxo dagaalkaan.

Dagaalkaan ayaa imaanaya, iyadoo maalin ka hor dagaal noocaan oo kale ah uu ku dhexmaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwa Daraawshiita Koonfur Galbeed, kaasoo geystay khasaare naf iyo maalba leh.

SHARE

LEAVE A REPLY