Dagaal culus oonka dhex qarxay Ururka Al-shabaab

0

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaal culus uu ka dhex qarxay Ururka Al-shabaab ee ku sugan degmada Xarardgeere ee gobolka Mudug.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya lagu shaaciyay in dagaal xoogan uu ku dhexmaray xubno ka wada tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab nawaaxiga deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, kaasoo socday mudo ku dhaw hal saac oo xiriir ah.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda ay qoraheeyeen iney ka baxsadaan gacanta Al-shabaab oo ay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana dagaalkaasi la sheegay iney ku dhinteen 7 ka mid ah xubnaha kooxda Shabaab ee dagaalka dhexmaray.

“Dagaalka ayaa wuxuu ka danbeeyay kadib markii Maleeshiyaad ku dhow horjoogaha lagu magacaabo Muxudiin Daqare ay magaalada dhinac uga baxeen, ayagoo ka gadoodsan horjoogayaal kale oo jooga magaalada, waxaana ay isku dayayeen inay ka goostaan dhulka ay Khawaarijtu joogaan. Horjooge lagu magacaabo Nuunaale oo la sheegay inuu yahay horjoogaha haysta kooxda ay ugu yeeraan Jamhadda ayaa la sheegay inuu amray in xoog lagu hor istaago maleeshiyaadka Khawaarijta ee baxsadka ahaa, waxaana intaasi kadib qarxay dagaal socday mudo saacad ah oo labada dhinac ee Khawaarijta uu khasaaro dhimasho iyo dhaawac ahba uu ka soo gaaray” ayaa lagu yiri warka kaso baxay dowladda Soomaaliya.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in la xirxiray qaar ka mid ah xubnaha Al-Shabaab ee wada dagaalamay, islamarkaana amaro cusub lagu soo rogay dhamaan xubnaha Shabaab ee ku sugan degmada Xarardheere iyo nawaaxigeeda, waxaana amaradaasi ka mid ah in gaadiidka kooxda aanan laga bixin goobaha ay haatan yaalaan askari kastana uusan ka bixin xerada uu ka tirsan yahay.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ay sheegtay dowladda Soomaaliya inuu ki dhexmaray kooxda nawaaxiga deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

SHARE

LEAVE A REPLY