Dagaal culus oo ka socda magaalada Laascaanood

0

Wararka laga helayo gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in markale uu xalay dagaal ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan.

Iska hor imaadka oo saacado badan qaatay ayaa yimid, kadib markii ay dabley ka careysan joogitaanka ciidamada Somaliland ay weerareen saldhig ku yaalla koonfurta magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Illa aiyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Somaliland oo ku aadan dagaalka xalay ka dhacay halkaasi.

Dhanka kale waxaa Laascaanood ka billowday barakac ay sameynayaan dadka deegaanka, maadaama ay sii korortay xiisadda ka taagan gudaha magaaladaasi oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya.

Rabshadaha ka socdo Laascaanood ayaa galay todobaadkii labaad, waxaana looga soo horjeedaa dilalka inta badan dadka haldoorka ah loogu geysto gudaha magaaladaasi.

SHARE

LEAVE A REPLY