Dagaal culus oo ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool

0

Wararka naga soo gaaraya degaannada Samakaab iyo DhabanSaar oo katirsan gobalka Sool ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada degaanka ee la Magac baxay SSC iyo kuwa Somaliland.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan lag dareemayay degaannada Samakaab iyo DhabanSaar oo katirsan gobalka Sool oo Magaalada laas-caanood uga began dhinaca magaalada hargeysa.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayaan dhawaqa rasaasta ay isku ridayaan labada dhinac, waxaana jira khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka.

Waa furin labaad oo katirsan Gobolka Sool oo uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada degaanka ee SSC iyo kuwa Somaliland, waxaana degaannada lagu dagaalamayo ee Samakaab iyo DhabanSaar oo katirsan gobalka Sool ay muhiim u yihiin Somaliland.

Dhinaca kale Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa waxaa laga dareemayaa duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolak Sool, halkaas oo ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada degaanka ee SSC iyo kuwa Somaliland oo dowr jeer dagaalamay

SHARE

LEAVE A REPLY