Dagaal culus oo ka socda magaalada Laascaanood

0

Dagaal xooggan oo dhowr jiho ah oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC- Khaatuma ayaa ka socda bariga magaalada Laascaanood, iyo halka loo yaqaano Maraaga.

Dagaalkaan ayaa wuxuu u muuqdaa mid ka xooggan dagaaladii hore, waxaana uu ka bilowday farriismo kala duwan oo ay isku horfadhiyeen ciidamada iskasoo horjeeda.

Weli lama oga khasaaraha ka hashay dagaalkan. Labada dhinacna midna kama hadlin dagaalka.

Dagaalkani wuxuu kusoo aaday, maalmo kadib markii golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo ay sheegeen inay qaadidoonaan dagaal aan la mahdin doonin oo ay ugu yeereen “Gunnimo dagaalan.

Saraakiil katirsan maamulka SSC- Khaatumo ayaa lagasoo xigtay in ciidamadooda ay qabsadeen qeyb kamid ah Maraaga oo ah mid kamid ah talisyada ciidanka Somaliland.

Laakiin, ma jiraan warar madax bannaan oo qabashadaas inoo xaqiijiyay.

Maamulka cusub ee SSC- Khaatumo ayaa labadii cishe ee ugu dambeeyay ku jiray abaabul dagaal, waxaana madaxweynaha maamulkaas uu kormeerayay jiidaha hore ee dagaalka.

Kaddib dilkii AUN, Abwaan Jaamac Kediye oo ku geeriyooday duqayn ay magaalada Laascaanood ka geysteen ciidamada Somaliland, waxaa magaalada Laascaanood ka socday dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal.

Wixii kusoo kordha dagaalka kula socoda wararkeenna soo socda.

SHARE

LEAVE A REPLY