Dagaal culus oo ka socda gobolka shabeellaha Dhexe

0

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeeladda dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu Ka socdo deegaanka Hilowle Gaab oo katirsan gobolka Shabeeladda dhexe.

Deegaanka Hilowle Gaab oo katirsan degmada Ruunirgood ayaa sakaay waaberigii waxaa dagaal culus kusoo qaaday dagaalamayaal katirsan kooxda Alshabaab, waxaana weli socda dagaalka .

Ururka Alshabaab ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay la wareegeen deegaanka Hilowle Gaab, kaddib markii ay kusoo qaadeeen weerar cagmarin ah sida ay sheegeen.

Isgaarsiinta oo aad u xun lama hayo xog dhamaystiran oo xaqiijinaysa inay Alshabaab la wareegeen Hilowle Gaab oo kamid ah deegaanadii dhawaan laga xoreeyay kooxda Alshabaab.

Waa weerarkii labaad oo Alshabaab ay geystaan maalmo gudahood. Labo maalin ka hor ayay ahayd markii Alshabaab ay labo gaari oo qaraxyo ku rarnaa ay ku weerareen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo dad badani ay ku geeriyoodeen.

SHARE

LEAVE A REPLY