Dagaal culus oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

0

Magaalada Buula mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa saakay ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda iyo dagaalamayaal katirsan ‘AS’ oo weeraray saldhig ciidankaas ay leeyihiin.

Dagaalka ayaa billawday 5tii aroornimo (5:00 AM) ee Jimcaha maanta, Ilo deegaanka ah ayaa Mustaqbal u sheegay in weerarka uu ku billowday qaraxyo loo badinayo in ay yihiin Gawaari kaddib waxaa xigtay rasaas dhowr jiho is qabsatay.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa labada dhinac ee dagaalamay soo kala gaartay inkasta oo aan lahayn tiro sugan, waxaase adag in la helo ilo madaxbannaan oo xaqiijin kara marka laga reebo sheegashooyinka dhinacyadaan dagaalamay.

Ciidanka Uganda ee Buula mareer saakay lagu weeraray waxa ay magaaladaas ku sugan yihiin muddo 9-sano ah, waxa ay gacanta ku dhigeen Agoosto 2014, howlgalkaas Ciidamada ATMIS ay ku qabsadeen Magaaladaas waxaa loogu magac daray ‘Badweynta Hindiya’.

Askarta Midowga Afrika waxaa gaaray gurmad ciidan oo uga yimid xeryaha kale ay ka joogaan deegaannada u dhaw Magaalada Buula mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

SHARE

LEAVE A REPLY