Dad gaaraya 50 ruux oo ku dhintay Fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle

0

Fatahaad ka dhalatay roobka gu’ga oo xiligan ka da’aya deegaanka Soomaalida oo webiyada buux-dhaafiyeen ayaa khasaaro naf iyo maalba isugu jirta waxa ay u geysteen dadka ku dhaqan dhulka webiyada ku dhow.

Fatahaadda waxaa ku geeriyooday dad ay tiradoodu 50 ku dhowdahay, waxaana ku baro-kacay in kabadan 40 kun oo qoys.

Waxaa sido kale ku nafwaayay fataahaada xoolo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 19 kun oo neef. Daadadkan ayaa sidoo kale baabi’iyay dalaggii beeraha.

Fatahaadaan ayaa sidoo kale cagta marisay dhul beereed baaxad weyn ku fadhiyay oo ay dadka diyaar garoobayeen iney ka gooataan dalagyada ugu beerna.

SHARE

LEAVE A REPLY