Dab khasaare badan dhaliyay oo ka kacay Suuqa Kismaayo

0

Dab xoogan ayaa waxaa uu ka kacay suuqa Shidaalka ee Imbilitooriya ee magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Khasaare u badan burbur hantiyadeed ayaa ka dhashay dabka, iyada oo la arkayay olol xooggan cirka isku shareeraray.

Ciidamada amniga, gawaarida gurmadka deg-degga ah iyo dab damiska ayaa gaaray halka uu dabku ka kacay, ayaga oo ku guulleystay inay dabka damiyaan, sida uu soo sheegayo goobjooge ee Kismaayo ku sugan

Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland kan magaalada Kismaayo ayaa sheegay lagu guuleystay daminta dabka, isla markaasna la baarayo khasaaraha ka dhashay.

SHARE

LEAVE A REPLY