DAAWO SAWIRADA:- Alshaabab oo soo bandhigtay khasaarihii ka dhashay weerarkii ay ku qaadeen Qaayib

0

Ururka Alshabaab ayaa siidaayay sawirro iyo macluumaad ku saabsan weerarkii ay shalay subax ku qaadeen saldhig ciidamada Galmudug ku leeyihiin deegaanka Qaayib.

Warbaahinta faafisa wararka Alshabaab ayaa lagu faafiyay maydadka askarta katirsan ciidamada maaulka Galmudug iyo kuwo mucaawisleyda, kadib markii shalay ay kusoo qaadeen weerar ku billowday qaraxyo ismiidaamin ah.

Alshabaab waxay sheegeen inay la wareegeen hub iyo gaadiid dagaal oo yiilay saldhig ciidan oo kuyiilay deegaanka Qaayib. Waxay kaloo sheegeen inay gubeen gaadiid kale.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ayaa shalay warbaahinta dowladda ka sheegay inay Alshabaab khasaare xooggan ku gaarsiiyeen dagaaladdii ka shalay ka dhacay Qaayin.

Ciidanku waxay soo bandhigeen maydka qof lagu sheegay inuu ahaa horjoogihii kooxda Alshabaab ee weerarka fuliyay.

SHARE

LEAVE A REPLY