Daalibaannoo 100 haween ah u diiday iney ka dhoofaan dalka Pakistaan

0

Urur Taliban ayaa la sheegay inay hor istaageen inay dalkaas ka dhoofaan, hablo deeq waxbarasho ka helay dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la qorshaynayey inay halkaas ku dhamaystaan waxbarashadooda heerka jaamacadeed.

Khalaf Al Habtoor, oo ah ganacsade u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku baahiyey muuqaal uu ku sheegayo, inuu kafaalo qaaday waxbarashada 100 hablood oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, hase ahaatee ay subaxnimadii arbacada soo gaadhay war aan wanaagsanayn oo sheegay, in maamulka Taliban ay hablahaas u diideen inay raacaan diyaaraddii ku sugaysay garoonka diyaaradaha ee Kabul.

“Ma garanayo ereyada aan ku cabbiro niyad-jabka aan dareemayo” ayuu yidhi Al-Habtoor oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha shirkadda Al Habtoor Group. Ganacsadahan ayaa ka mida, maalqabeenada sida aadka ah looga ixtiraamo dalka Imaaraadka Carabta.

Al Habtoor ayaa sheegay, inaanu maanta faraxsanayn, sababtoo ah, ardaydii uu kafaalo qaaday, waxay fursad u waayeen inay gaadhaan Dubai, halkaas oo ururkiisu uu goorhoreba uga sii qorsheeyey inay waxbarasho iyo degsiimo ka helaan, iyada oo hawshaasi ay socotay muddo bilo ah.

Xukuumadda Taliban ayaan iyagu wax falcelina ka bixinin arrintan.

SHARE

LEAVE A REPLY