Ciidankii ugu badna oo u diyaar garoobay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

0

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho ka ambabaxay Ciidamo aad u farabadan oo kamid ah Millateriga Soomaaliya, kuwaas oo gaaray degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamadan oo qaban qaabadooda maalmihii la soo dhaafay ay ka socotay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray degmada Cadalle, waxaana ujeedkooda uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaano ay kamid yihiin Maxamed Cajiib Cismaan Xaadoole iyo Saraakiil Ciidan ayaa hoggaaminaya howlgallada Gobolka Shabeellaha Dhexe looga saarayo Al-Shabaab, kuwaas oo ka bilaabanaya degaanka Masaajid Cali Gaduud oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Dhinaca kale waxaa Magaalada muqdisho ulan ku yeeshay mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan Beesha Direed, kaas oo ujeedkiisu ahaa sidii ay uga qeyb geli lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in beeshooda ay aheyd Beeshii ugu horreeysay ee bilaawda dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo tusaalo u soo qaatay dagaalkii Al-Shabaab lagula galay degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Al-Shabaab aysan jirin cid ay xilligaan deyneyso loona baahan yahay inay dhankooda qeyb weyn ku yeeshaan sidii loola dagaalami lahaa Ururka Al-Shabaab oo weli ku sugan meelo kamid ah dalka.

Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud 1-kii Bishii May ee sanadkan 2022 ayaa waxaa dalka ka bilaawday kacdoon Beeleed sababay in degaano iyo degmooyin katirsan Gobolada Hiiraan & Galgaduud lagala wareego Al-Shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY