Ciidanka la baxay Caano ka dhan oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Shabaab

0

Degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool waxaa Maanta dhoolatus diyaar garoow ah oo ku aadan la dagaalanka Al-shabaab kusoo bandhigay ciidamo la baxay Caano ka dhan oo ah dadka deegaanka Ceelbarde oo is hubeeyay.

Ciidamadaan la baxay Caano ka dhan oo warbaahinta kula hadlay duuleedka degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa sheegay iney u diyaar garoobeen ka qeyb qaadashada howgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab, islamarkaana ay diyaar u yihiin iney ka xoreyaan Shabaab degaanada hoostaga degmada Ceelbarde iyo guud ahaan gobolka Bakool.

Hoggaamiyaha ciidamada deegaanka Ceelbarde oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hubka ay wataan ciidanka is abaabulay ee kasoo jeeda deegaanka Ceelbarde iney kusoo iibsadeen Xoolahoodii oo ay gateen, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay meel kasta oo ka tirsan gobolka Bakool kula dagaalamaan Al-Shabaab.

“Anaga waxaan u dulqaadan weynay dhibaatada Shabaab waxaana u istaagnay inaan ka xoreyno meelaha ay uga sugan yihiin degmada Ceelbarde, waxaana naga go’an inaan Shabaab ka xoreyno dhulkeena, waxaana ku baaqaya Shabaab in meydadkooda xata aanan la aasin oo la gubo sida aybu dhaqmaan in loola dhaqmo” ayuu yiri horjoogaha ciidanka deegaanka ee la baxay Caano ka dhan Shabeel Maxamed.

Maamulka degmada Ceelbarde iyo Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa dhankooda ciidamada degaanka uga mahad celiyay sida ay u go’aansadeen inay la dagaalamaan Al-Shabaab, iyagoona u balan qaaday inay garab istaag u muujin doonaan ciidamada deegaanka si ay Al-Shabaab guud ahaan uga saaraan deegaanada hoostaga degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

SHARE

LEAVE A REPLY