Ciidanka Gorgor oo gubay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee dhawaan sida buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Sh/dhexe oo ka mid ahaa talisyada ugu muhiimsanaa Al-shabaab ayaa saakay aroornimadii hore duuleedka deegaankaasi ku gubay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee ee gobolka Sh/ dhexe ayaa sheegay in ciidanka ay gubeen gaarigaan qaraxyada ku rarnaa oo xogtiisa horay u hayaan.

Gaariga ay gubeen ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Gorgor ayaa la sheegay inuu noociisu yahay nooca Soomaalida u taqaan Leyla Calaawi, islamarkaana la doonayay in lagu weeraro fariisinka ciidanka Gorgor ee duuleedka deegaanka Masaajid Cali Gaduud.

Dadka deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa warbaahinta u sheegay in saaka aroorninadii hore ay maqlayeen jugta gaariga lagu gubay duuleedka deegaanka oo aheyd mid aad u culus, hayeeshee aysan garaneyn waxa loo adeegsaday gaariga gubay.

Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa Al-shabaab u ahaa mid istaraatiiji ah oo ay lacagaha Canshuurta uga qaadan jireen gadiidka u kala safra gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, waxayna sidoo kale deegaankaasi ka difaacan jireen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe oo ay ka qorsheyaan weerarada ay ku qaadaan Hiiraan iyo Galgaduud.

SHARE

LEAVE A REPLY