Ciidanka Galmudug oo howlgalo culus ka sameeyay gobolka Mudug

0

Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Deegaanada ay howlgalada ka sameyeen ciidamada Galmudug ayaa kala ah Qeycad, Jiic dheere, Laas gacameey iyo Ilbalac, kuwaas oo dhamaantood ah deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Ujeedka howlgalkaan ayay Saraakiisha ciidamada Daraawiishta Galmudug ku sheegeen sidii ay u xaqiijin lahayeen amaanka gobolka Mudug, islamarkaana kooxda Al-shabaab ay uga sifeyn lahayeen deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in deegaanada howlgalada ay ka sameyeen ciidanka in dhawaan laga xureeyay Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada Galmudug ee hoggaamineysay howlgalka waxay sheegeen iney sii wadayaan howlgalada ay ku xaqiijinayaan amaanka deegaanada gobolka Mudug ee laga saaray Al-shabaab.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Mudug waxaa wali ka socda howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, xili dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in dhawaan ay bilaawdo wajiga labaad ee howlgalada dalka looga xureynayo Ururka Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY