Ciidanka Eratariya ku maqna oo la shaaciyay waqtiga dalka imaanayaan

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shaaciyay in ciidamada Soomaaliyeed ee Eritrea ku maqan ay dalka kusoo laaban doonaan dhammaadka bishaan illaa bisha January ee sannadka cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhamaatay dib u dhacyadii ku imaan jiray dib usoo celinta ciidamada Soomaaliyeed ee lagu tababaray dalka Eritrea, kuwaas muddo ku dhow saddex dano ku sugan Eritrea.

Hadalkaan ayuu madaxweynuhu ka sheegay xaflad su’aallo lagu weydiinayay, taasoo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

“Insha allah, dhallinyarada Eritrea jirta mar dhow way imaanayaan. Bishaan aan ku jirto ee December inta aysan dhamaanin way soo billaabanayaan, Janawarina way soo dhameystir mayaan. Waa diyaar, dib u dhac dambe ma rajeynayno,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya kasoo baxay ayaa kusoo aadaya, xilli dowladda Soomaaliya ay oo kaashanaysa dadka deegaanka ay ku guulaysatay inay Alshabaab ka xoreyso deegaano badan oo kuyaala Hirshabeelle iyo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Shikh wuxuu sheegay in maalmaha soo socda labada maamul ay xor ka noqon doonaan Alshabaab, kadibna loosoo jeesandoono Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ah meelaha ay ku xooggan yihiin Alshabaab

SHARE

LEAVE A REPLY