Ciidanka dowladda oo la wareegay gacan ku heynta deegaanka Galcad

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Danab iyo Gorgor ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda ee la wareegay deegaanka Galcad ayaa aroornimadii hore ee saakay xaafadaha deegaankaasi ka sameeyay baaritaano ay ku xaqiijinayaan amaanka guud ee deegaanka oo ay si nabad ah kula wareegeen, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidankii Al-shabaab ee ku sugna mudooyinkii dambe.

Al-shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ka talineysay deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay horay deegaankaasi u faarujiyeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dib ula wareegista ciidanka dowladda ee deegaanka Galcad ayaa imaaneysa, iyadoo inta badan dadkii deganaa Galcad ay isaga barakaceen magaalada kadib markii ay ku amreen kooxda Al-Shabaab.

Deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa ka mid ah deegaanada muhiimka u ah isku xirka gobolka Galgaduud, waxaana ayaa dhowr bilood ka hor markii ciidamada dowladda la wareegeen deegaankan ka dhacay weerar qaraxyo ku billaawday oo ay ku qaadeen Al-Shabaab, kaasoo uu ku geeriyooday Allah u naxariiste taliyahii ciidanka Kumaandooska DANAB Xasan Tuure, taaso aheyd sababta keentay inay ciidamada dowladda isaga baxaan deegaankaan.

SHARE

LEAVE A REPLY