Ciidanka dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan Galgaduud

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadahii lasoo dhaafay kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaanada kala ah Ceelbiyoodyo iyo Ceel Cali Xasan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.

Taliyaha guutada afaraad ee qeybta 27 -aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Saney Cabdulle ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ciidamada ay burburiyeen fariisimahii kooxda shabaab ku laheyd tuulada Ceelbiyoodyo oo ka mid ah deegaanada hoostaga Budbud.

“Intii uu socday howlgalka waxaa Ciidamada bixiyeen Miinooyin Khawaarijtu galisay Jidadka ugu mashquulka badan ee ay isticmaalaan shacabka Gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe, kaas oo isku xira Wabxo, Budbud iyo Galcad” ayuu yiri Korneyl Saneey Cabdulle.

Taliyaha Saneey Cabdulle ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab ay ugu daba tagayaan gododka iyo geedaha ay ku dhuumaaleeysanayaan ilaa inta ay ka xureynayaan dhamaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Dhinaca kale ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay Tuulada Ceel Cali Xasan oo ka mid ah tuulooyinka hoostagta deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud oo dhawaan laga saaray Shabaab.

Taliyaha guutada 3-aad ee qaybta 27-aad Ibraahim Yuusuf ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ciidamada ay si buuxdo ula wareegeen Tuulada Ceel Cali Xasan, islamarkaana ciidanka miinooyin badan ka bixiyeen jidka xariiriya tuulooyinka uu ka socdo howlgalka ee ku teedsan deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Al-shabaab ay u adkeeysan wayday cududda ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka inay banneeyeen in ka badan 20 fariisin oo ay ku lahaayeen tuulooyinka hoostaga Magaalada Galcad, islamarkaana ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee ku sugan gobolka Galgaduud.

SHARE

LEAVE A REPLY