Ciidanka dowladda oo la wareegay deegaan muhiim ah

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa maanta la wareegay magaalada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo sannadihii ugu dambeeyay maamulayeen Al Shabaab.

Kooxda Al Shabaab ayaa gabi ahaan isaga baxday magaalada Xagar markii ay ku dhawaadeen ciidamada huwanta ah, waxaana magaaladaasi la wareegay iyada oon dagaal ka dhicin ciidamada huwanta ah.

Saraakiisha ciidamada hoggaamineysay oo meel isugu keenay qaar badan oo kamid ah dadka deegaanka Xagar ayey halkaasi kula hadleen, waxa ayna saraakiisha shacabka ka codsadeen in aysan la shaqeen Al Shabaab ayna soo dhaweeyaan ciidamada.

Dhinaca kale warbaahinta afka Al Shabaab ku hadasha ayaa shaaciyay in ciidamada huwanta ah ee maanta la wareegay magaalada Xagar dib uga baxeen, waxa ayna sheegeen in Al Shabaab mar kale dib ugu laabteen magaaladaasi.

SHARE

LEAVE A REPLY