Ciidanka dowladda oo howlgalo culus ka sameeyay Shabeellaha Hoose

0

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgalo xoogan ka sameeyay inta u dhaxeysa deegaanada Gandarshe iyo Arbacow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa la sheegay iney fuliyen cutubyo ka mid ah guutada 23-aad ciidanka Gungaar ee koofi casta xoogga dalka Soomaaliya oo burburiyay saldhigyo kooxda Al-shabaab ku laheyd inta u dhaxeysa Gandarshe iyo Muqdisho.

Deegaanada ciidamada aya howlgalada ka sameyeen waxaa ka mid ah Godka kubash, Galka geeriyaan, Galka Saalimow iyo Mara cade oo dhamaantood fariisimo ku lahayeen dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab.

Taliyaha guutada 23-aad ee ciidanka Gungaar Gaashanle Aaden Jeele Cali oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay iney cagta mariyeen gambaadyo kooxda Al-shabaab ku laheyd ista u dvaxeysa deegaanka Gandarshe iyo magaalada Muqdisho.

Howlagalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Maanta ciidanka Kumaandooska Danab howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Budbud ay ku burburiyeen keyd isugu jiray waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada iyo hub oo kooxda Shabaab ku laheyd deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.

SHARE

LEAVE A REPLY