Ciidanka ATMIS oo xaqiray doorka ciidanka Macawiisleeyda ee dagaalada al-shabaab

0

Howlgalka Kumeel Gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya oo magaciisa loo soo gaabiyo ATMIS ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee ka socda deegaano kamid ah dalka.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay baraha bulshada ee ATMIS ayaa lagu sheegay iney qeyb ka ahaayeen ciidamadii Al-shabaab kala wareegay degaanada Abooray, Yasooman iyo Booco oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo degaanka Sini-dhaqo ee gobolka Galgaduud.

Qoraalka ATMIS ayaan marnaba lagu muijin doorka weyn ee dagaaladaasi ay ku leeyihiin maleeshiyaadka deegaanka ee Macwuusleyda loo yaqaano, iyagoo guulaha laga gaaray duulaanadaasi dusha u saariyay oo kaliya ciidamadooda iyo kuwa dowladda.

Si kastaba, Wali si dhab ah uma cadda doorka ay ATMIS ku leheyd dagaaladan, iyadoo sawirrada laga soo qaaday jiida hore ee dagaalka lagu arkayay oo kaliya ciidamadda dowladda iyo kuwa deegaanka ee is garabsnaaya oo ku sugan deegaanada laga qabsaday kooxda Al-Shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY