Ciidamada dowladda oo isaga baxay deegaanka iyo Shabaab oo dib ula wareegtay

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa deegaankaasi iney Xalay isaga soo baxeen deegaankaasi.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Fedaraalka ayaa sheegay in sababta looga soo baxay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ay tahay amar ka yimid taliska sare ee ciidanka dowladda soomaaliya, hayeeshee uusan ogeyn sababta rasmiga ee ka dambeysa.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee isaga soo baxay deegaanka Wabxo ayaa lasoo sheegaya iney dib ugu laabteen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo markii horeba ciidanka ka duulaan tageen.

Wararkii ugu dambeeyay ee Saakay kusoo dhacaya warqabadka Xogsheeg ayaa sheegaya in deegaanka Wabxo ay si nabad galyo ah dib ugula wareegeen dagaalamyaasha Al-shabaab.

Ma jirto wax faahfaahin dheeraad ah oo dowladda Somaaliya ay ka bixisay sababta keentay in ciidamadeeda ay kasoo saarto deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

SHARE

LEAVE A REPLY