Ciidamada NISA oo toogasho ku dilay nin waday gaari qaraxyo ka buuxaan

0

Ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa xalay deegaanka Ceelasha Biyaha ku qabtay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo loo soo waday magaalada Muqdisho.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa sidoo kale toogtay ninkii waday gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ,kaddib markii uu isku dayay in uu ciidamada ammaanka ka baxsado.

Saraakiil katirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in ciidamada heleen xogta gaarigan qaraxyada laga soo buuxiyay ay tilmaameen in la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Qaraxyada is-miidaaminta ah ee loo adeegsado gaadiidka qaraxyada laga soo buuxiyo ayaa muddooyinka ku yaraa in ay ka dhacaan Muqdisho, waxa ayna ciidamada sameeyaan baaritaano qaraxyadaasi looga hortagayo.

SHARE

LEAVE A REPLY