Ciidamada Huwanta oo kaabiga ku haaya deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan

0

Ciidamada dowladda iyo kuwa Dib-u-xoreynta deegaanka ayaa kaabiga ku haaya deegaanka Booco oo dhaca qiyaastii 50KM Koonfurta Beledweyne.

Ciidanka waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan waxaana howlgalka qeyb ka ah saraakiil ciidan oo aay kamidyihiin Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD kor. Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay Taliyaha qeybta 27-aad ee CXD Generaal Tawane Axmed Maxamed.

Ciidamada xoogga dalka qeybaha guutada 5-aad qeybta 27-aad guutada 8-aad ee Gorgor iyo ciidanka kumaandooska Danab oo aay bar-bar socdaan ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka ayaa fulinta howlgalka iska kaashanaya.

Diyaradaha dagaalka oo aay leeyihiin saaxiibada dowladda Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka AS ayaa bar-bar socda.

Ciidamada iskaashanaya ayaa horay AS ugala wareegay deegaanno badan sida Beerxaanno Tarashante Nuur-fanax Ceela-hele Burdaar iyo kuwa, kuwaasi oo kooxda AS isaga carareen.

Howlgalka ka socda deegaanno u dhaxeeya Beledweyne iyo Buulo-burde oo galay isbuucii labaad iska markaana uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ah wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah AS.

SHARE

LEAVE A REPLY