Ciidamada Huwanta oo howlgalo culus ka sameeyay Jubbada Hoose

0

Ciidamada Xoogga dalka, Nabad sugidda iyo daraawiishta Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo culus oo lagu baacsaday Al-shabaab ka fuliyey deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalkaas ku jireen waxay burburiyeen goobo ay ku dhuumaaleysa jirtay Al-shabaab iyo qaraxyo miinooyin ah oo shacabka adeegsada wadooyinka ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan.

Deegaannada ay ciidamadu ku baacsadeen Al-shabaab ayaa kala ah, Qalawlaha, Falaqaay, Reebaay, Fantooley, Harboole, Qumbi, Miidow, Shuufa, Habeedley, Cag-libaax iyo deegaano kale dhamaantood ka tirsan Jubbada Hoose, wuxuuna howlgalkaan laga saameeyey dhul dhan 120 KM, sida ay saraakiishu u sheegeen warbaahinta.

SHARE

LEAVE A REPLY