Ciidamada Huwanta ah oo u dhaqaaqay la wareegista degmada Ceelbuur

0

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iney Maanta u ruqaansadeen dhinaca degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Wararka kusoo dhacaya warqabadka Shabakada HOL ayaa sheegaya in ciidamada iskaashanaya oo wada gaadiid dagaal oo aad u tira badan ay ku baxeen dhowr jiho oo ay qorsheyeen iney ka weeraraan degmada Ceelbuur oo ay Al-shabaab gacanta ku hayso in kabadan 15 sano.

Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa ka mid ah Talisyada ugu waa weyn kooxda Al-shabaab oo ay ku leedahay gudaha dalka, waxaana dowladda Soomaaliya ay qorsheynsay in wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab meelaha ugu horeeya ee laga xureynaayo ay ka mid tahay Ceelbuur.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa lasoo warinaya in qudhooda ay haatan gudaha degmada Ceelbuur ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan iney ku difaacdaan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa mudooyinkii u dambeeyay dhaqdhaqaaqyo culus ka waday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka Al-shabaab inuu toos u bilaawdo, kaasoo ay qeyb ka noqonayaan ciidanka dalalka la isku yiraahdo safka hore ee Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

SHARE

LEAVE A REPLY