Ciidamada dowladda oo qarka u saaran iney la wareegaan degmada Ceelbuur

0

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dac oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur.

Warsafaxadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka galinkii dambe ee Shalay iney halkaas la wareegeen, kadib markii ay isaga carareen kooxdii Al-shabaab ee deegaankaas mudada dheer ka talin jirtay.
Deegaanka Dac ayaa qiyaas ahaan degmada Ceelbuur u jira ilaa 17 KM, waxuuna ka mid yahay deegaanada kooxdu ay ka difaacan jirtay magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay ineysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada is garabsanaya iyo waliba dadka shacabka ah ee ku nool degaanka Dac.

Si kastaba ha ahaatee Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa haatan ku laalaya degmada Ceelbuur, iyadoo warar hoose ayaa sheegaya in ciidanku ay gudaha u gali doonaan degmada saacadaha soo socdo.

SHARE

LEAVE A REPLY