Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanka Galcad

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga dalka ay goordhaw la wareegeen Magaalada Galcad ee Gobolkaasi, taasi oo ka mid ahayd degaanada ay gacanta ku hayeen dagaalamaayasha AL-Shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidanka ay Saaka qabsadeen Magaaladaasi, waxaana Wasiirka Gaashaandhigga oo Warbaahinta la hadlay uu sheegay inay qabsadeen Magaalada.

Maxamed Nuur (Jaamac) Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya ayaa intaas ku daray inay ku wajahan yihiin degaano kale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud oo hoos taga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Warar kale oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in AL-Shabaab ay banneeyeen degaanno kale oo ka tirsan Gobolkaasi, waxaana maalmihii ugu dambeeyay sii xoogaysanayay howlgallada ka dhanka ah AL-Shabaab eek a socda Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

SHARE

LEAVE A REPLY