Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanka Ceeldheer

0

Ciidamada Xoogga dalka ayaa si buuxda ula wareegay Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, taasi oo muddo dheer ay ka talinayeen dagaalamayaasha AL-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaaraya Ceeldheer ayaa tilmaamaya in haatan ay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay gabi ahaanba si buuxda ula wareegeen Magaaladaasi.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda shaacisay inay gacan ku haynta Ceeldheer ay si buuxda u maamulayaan, waxaana Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shaaciyay inay Magaalaadasi la wareegen.

Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa ahayd Magaalooyinka ay dagaalamayaaasha AL-Shabaab ku xoogganayeen in muddo ahna ay ka arriminayen, waxaana sidoo kale gacanta AL-Shabaab ka baxay Magaalooyin iyo degaano badan oo ka tirsan Gobolkaasi.

Shalay ayay ahayd markii AL-Shabaab laga qabsaday Magaalada Galcad iyo Magadaalada Xarardheere oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Mudug.

SHARE

LEAVE A REPLY