Ciidamada dowladda oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka mid ah Shabaab

0

Ciidanka xooga dalka gaar ahaan guutada 5aad oo kaashanaya ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka oo weerar qorsheeysan ka fuliyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa Khaarijiyay 2-xubnood oo Al-shabaab kamid ah waxa aayna sidoo kale ka furteen Gaari Nooha ah oo Shabaab wateen.

Ciidaanka xooga dalka iyo kuwa Dib-u-xoreynta ee howlgalkaasi fuliyay ayaa iyaga oo nabad qaba dib ugu soo laabtay goobtii aay weerarkaasi ka qaadeen,iyaga oo wada Meydadka laba xubnood ee shabaab kamid ah oo ciidaanka deegaanka dileen.

Waxaa jira warar sheegaya in xubnaha la dilay aay ku jiraan Amiiro Shabaab kamid ah kuwaas oo xilal sare ka haayaan shabaab.

Ciidaanka xooga dalka iyo kuwa Dib-u-xoreynta deegaanka ee howlgalkaasi fuliyay ayaa Guddoomiyaha gobolka Hiiraan uga fadhiya in uu ku wareeejiyo dhaqaalahii uu dul dhigay qofkii soo dilaa Amiir ama xubin kamid ah Shabaab.

Ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka ayaa tan iyo ballan qaadkii guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan kaddib bilaabay ugaarsiga Amiirada iyo xubnaha shabaab kamid ah ee ku haray qeybo kamid ah Hiiraan.

SHARE

LEAVE A REPLY