Ciidamada dowladda oo dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wada gobolada Mudug iyo Galgaduud

0

Ciidamada DFS ayaa saakay dhaqdhaqaaq ciidan kawada Degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer & Galcad oo todobaadkii hore ay ka qabsadeen ‘AS’ kana tirsan Gobollada Galgaduud & Mudug ee DG Galmudug.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Dowladda Federaalka ee gacanta ku dhigay Saddexdaas Magaalo ayaa sheegay in abaabulkooda uu yahay in ay tagaan deegaannada ay weli joogaan ‘AS’ si ay uga qabsadaan ugana hortagaan weeraro lagu qaado magaalooynkaas.

Wixii ka dambbeeyay weerarkii ka dhacay Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud 20kii Janaayo 2023 waxaa kordhay feejignaanta ciidamada Dowladda Federaalka ee kaashanaya Dadka deegaanka.

Dowladda oo dagaalkaas uga geeriyoodeen askar & Taliye ku xigeenkii Ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB waxa ay dejisay qorshooyin cusub oo looga hortagayo duullaanka ‘AS’ ee ka dhanka ah Ciidamada ka qabsaday Magaalooyinka muddada dheer ay joogeen.

Xarardheere, Ceeldheer & Galcad waxaa ka dhacay kulamo lagu qorsheeyay sidii loo kordhin lahaa howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si gacanta loogu dhigo tuulooyinka iyo deegaannada ay weli joogaan ee Magaalooyinkaan hoostaga.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa la kulmay saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda Gobollada Mudug & Galgaduud isaga oo kala hadlay sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada & qaraxyada lagu beegsanayo magaalooyinka ay joogaan.

DFS & ‘AS’ ayaa guullo ka kala sheegtay dagaalkii ka dhacay Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud, war kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa lagu sheegay in dagaalkaas lagu dilay in ka badan 100 dagaalame oo ‘AS’ ah.

SHARE

LEAVE A REPLY