Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo si buuxda ula wareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa la sheegay iney si rasmi ah ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ku yaala gobolka Sh/dhexe.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha bulshada ee warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor oo garabsanaya dadka deegaanka inay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo mudooyinkii dambe ay ku loolamayeen Al-shabaab iyo ciidamada dowladda.

Qoraalada lagu faafiyay boggaga warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dagaal ka dhacay deegaanka Maasajid Cali Gaduud Al-shabaab looga in ka badan 100 ka mid ah dagaalamayaashooda, islamarkaana tiro intaasi ka badan looga dhaawacay.

Deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ku yaala gobolka Sh/dhexe ayaa Al-shabaab uga mid ahaa deegaanada muhiimka u ahaa ee gacantooda laga saaray, waxaana deegaankaasi ay Canshuuraha uga qaadan jireen gaadiidka u safra gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, mudo ku siman 15 sano oo ay ka talinayeen deegaankaasi.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay Al-shabaab waxaa gacantooda ka baxay deegaano aad u farabadan oo ay horay uga talin jireen, kadib markii ay wajaheen kacdoono shacab oo uga bilaawday gobolka Hiiraan oo haatan intiisa badan laga saaray Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY