Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo seeftiisa Mucaaradnimada gasha kala baxay

0

Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka hor yimid mooshin muddo kordhin ah oo maanta barlamaanka la horkeenay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay mooshinkaan inuu wiiqayo dadaalada dib u xoraynta dalka. Wuxuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya ay naftiisa halis ku gashay diidmada muddo kororsiga dowladdii hore.

“Annaga ka barlamaan ahaan, waxaa masuuliyad naga saaran yahay inaan ilaalino xasiloonida dalka. Waad ogtihiin Extension waxaan kasoo marnay. Halis waxaa ku gashay nafta madaxweynaha xafiiska fadhiya. Ma waan la ogayn?, mise waa la hilmaamay. Nafteennaa halis ku gashay in dalkan muddo kordhin laga sameeyo.

“Annagoo dalka waxba u qabanin, inaan saakay ka billowno extension (Muddo korsi) maxay keenaysaa? Dadku way nala yaabayaan. Fursadaan haysanaa saddex sano ah, aan ka shaqeyno dalkan sidii lagu gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaan Cabdishakuur ayaa kamid ahaa xildhibaano maanta ka hor yimid mooshin ku saabsan muddo kororsi oo ay barlamaanka horkeeneen xildhibaano.

Mooshinkan ayaa qeyb ka ahaa heshiiskii qaab dhismeedka doorashooyinka Soomaaliya ee dhawaan lagu ansixiyay shirkii golaha wadatashiga qaran.

SHARE

LEAVE A REPLY