Booliiska Soomaaliya oo war kasoo saaray dagaalkii Kaxda

0

Afhayeenka ciidanka Boliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerar qarax ku bilaawday oo uu xigay dagaal toos ah oo Xalay ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Afhayeen Doodishe ayaa sheegay in weerarka ay kooxda Al-shabaab ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ay ku weerareen Saldhiga degmada Kaxda, islamarkaana ciidanka Booliiska ee ku sugnaa Saldhiga ay iska difaaceen weerarkaasi qaraxa ku bilaawday ee uu xigay dagaal fool ka fool ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay Afheeynka Booliiska in weerarkaas ay ku dhinteen laba askari oo ka mid ahaa ciidanka Booliiska, halka ay ku dhaawacmeen saddex askari oo kale iyo laba qof oo shacab ah oo rasaasta guryahooda ugu tagtay.

“Khasaaraha goobta ka dhashay ayaa ah dhimashada laba askari oo kamid ahaa ciidankii, halkaa Khawaarijta kula falgalay oo ka difaacay iyo dhaawaca saddex kale, Xaafadaha saldhigga u dhowaa ayaa dadkii shacabka guryaha ugu tegtay rasaasta, sidaas daraadeed laba qof ayaa dadka shacabka ah dhaawac fudud ka ah” ayuu yiri Afhayeen Doodishe.

Afhayeenka Booliiska ayaa sidoo kale xusay in jab xoogan la gaarsiiyay kooxdii Al-shabaabka aheyd ee weerartay Saldhiga degmada Kaxda, islamarkaana ay jiiteen meydadka iyo dhaawacyadooda, isagoona sheegay ujeedka weerarkaas Shabaab ugu soo qaaday degmada Kaxda inuu yahay mid ay isaga jeedineyso dagaalada ka dhanka ah kooxda ee ka socda gobolada dalka.

Si kastaba ha ahaatee weerarkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Shalay kooxda Al-shabaab qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay ka geysatay Isgoyska Ifka Xalane ee magaalada Muqdisho, kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

SHARE

LEAVE A REPLY