Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay mid ka mid ah rag tacadi u geystay gabar Soomaaliyeed

0

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay mid ka mid ah sadax wiil oo dhalinyaro ah oo fal tacadi ah ugu geystay degmada Baardheere ee gobolka Gedo gabar Soomaaliyeed oo 20 sano jor aheyd, islamarkaana Muqaal ay ka duubeen ku baahiyay baraha Bulshada.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada amaanka magaalada Muqdisho ay soo qabteen wiilkan eedeysanaha ah ee lagu magacaabo Maxamed Cali Maxamed.

“Ciidamada amaanka waxaa u suurta gashay in gacanta ku soo dhigaan mid ka mid ah sadax dhalinyaro ah oo fal tacadi ah kula kacay gabar aad u da’yar, walibana Muqaal ay ka duubeen ku faafiyay baraha bulshada, soo qabashadiisa waxaa iska kaashaday ciidamada amaanka Baardheere iyo kuwa Muqdisho oo is dhaafsanaayay xogaha eedeysanahan, waxaana sidoo kale ku raad joogna labada eedeysane ee kale oo aan kasoo qaban doono meel walba oo ay dunida ka tagaan” ayuu yiri Afhayeen Doodishe.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanahaan ku wareejin doonaan hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo Cadaaladda, isagoona xusay in gabadha dhibanaha ah ay ku sugan tahay gobolka Gedo ay halkaasi ku heli doonto cadaalad.

Falka tacadiga ah ee sadaxda dhalinyarada ah kula kaceen gabadha yar ee lagu magacaabo Faadumo, islamarkaana muqaal ay ka duubeen ku faafiyay baraha Bulshada ayaa maalmo kooban ka hor ka dhacay magaalada Baardheer ee gobolka Gedo, waxaana dhacdadaasi si weyn uga xumaaday shacabka Soomaaliyeed.

SHARE

LEAVE A REPLY