Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay laba nin oo ku eedeysan kufsiga gabar yar

0

Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen laba nin oo ku eedeysan iney kufsi ugu geysteen gudaha magaalada Muqdisho gabar yar.

Ciidanka Booliiska ee ka howlgala Saldhiga degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney gacanta kusoo dhigeen labada nin ee ku eedeysan kufsiga gabadha yar.

Ragga eedeysanayaasha ah ee gacanta kusoo dhigeen Booliiska degmada Heliwaa ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Macalin Cabdi oo ah 22 Jir iyo Cali Axmed Nuur oo ah 33 sano jir.

“Ciidanka Booliiska Saldhigga Degmada Hiliwaa ayaa gacanta ku soo dhigay Eedeysanayaashaan ku eedeysan in ay kufsi ugeeysteen gabar Soomaaliyeed, waxaana lagu kala magacaabaa
1 Axmed Macalin Cabdi 22 Jir
2 Cali Axmed Nuur 33 jir. Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu u taaganyahay Ilaalinta Nabadgalayada Guud” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska qeybta guud ee gobolka Baaadir.

Si kastaba ha ahaatee Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa tan iyo markii ay dhalatay bishaan Barakeysan ee Ramadaan waxay si aad ah u kordhiyeen howlgalada ay ku doonayaaan iney ku xaqiijiyaan amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY