Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Bajaaj qaraxyo waday

0

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay mooto bajaaj siday qaraxyo iyo laba nin oo la socday.

Mootada iyo eedeysanayaasha ayaa laga soo qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, xilli ay doonayeen inay si qarsoodi ah ku soo galiyaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in eedeysanayaasha ay si deg deg ah u wajihi doonaan cadaaladda.

Qabashada qaraxyadan ayaa kusoo aaday maalin kadib markii dowladda ay soo saartay digniin ku aadan in Alshabaab ay abaabulayaan weeraro aargoosi ah oo ay u maleegayaan dadka shacabka ah.

Dowladda iyadoo taas ka duulaysa ayay adkaysay amniga magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha xarumaha dowladda ku yaaliin iyo baraha kantaroolada.

SHARE

LEAVE A REPLY