Booliiska oo gacanta kusoo dhigay 53 jir ku eedeysan Kufsiga gabar yar

0

Ka dib dhowr cisho oo ninkani uu baxsad ku maqnaa ayay xalay ciidamada amniga u suurtagashay in ay gacanta ku soo dhigaan.

Ciidanka Saldhigga Booliska Degmada Dharkiinley ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha, kaas oo ay ku wareejiyeen Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Yuusuf Daahir Xasan ayaa loo haystaa in uu afduub iyo kufsiba u gaystay gabar 11 jir ah, 31-kii bishii hore ee March.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa qoraal ku sheegay in 53 jirkan uu wajihi doono sharciga.

Haddii maxkamadi xaqiijiso eedeymaha ka dhanka ah ninkani ayaa waxay noqon doonaan dhacdo kale oo taabata dareenka bulshada, marka aad eegto da’da uu jiro iyo xilligan uu falka gaysanayo oo bil Ramadan ah.

Tani ayaa imaanaysa, xilli sanadihii ugu dambeeyay ay magaalooyinka dalka ku soo badanayeen kufsiga iyo tacadiyadaha ka dhanka ah haweenka, tiiyoo aanay inta badan ciqaab adag la kulmin kuwa falalkaasi gaysta.

SHARE

LEAVE A REPLY