Booliiska Mareykanka oo dad u soo qabtay dilal naxariis daro ah oo loo geystay Muwadiniin Soomaaliyeed

0

Ciidamada Booliiska dalka Mareykanka ayaa muddo 24 saac gudahood ah magaalooyin ka tirsan dalka Mareykanka toogasho lagu dilay labbo nin oo Soomaali ah oo deggen labbo gobol oo kala duwan, waxaana Weerarka koowaad uu ka dhacay magaaladda Indianapolis toogashu lagu dilay Alle ha u naxariistee Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdukadir Filanwaa, kaas oo ahaa darawar ku shaqaysta gaadiidka tagsiga.

Dilka kadib howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliiska magaaladda Indianapolis ayay u qabteen hal Nin iyo qof dumar ah oo lagu kala Magacaabo James Riley iyo Alysianna Martin kadib markii Muuqaal ay duubtay kaamarad ku xiran baabuurka tagsiga ee uu waday marxuum Cabdukadir ay qabatay qaabkii loo dilay marxuumka iyo wixii dhexmaray isaga iyo ninka dilka geystay.

Dhinaca kale Magaaladda Seattle Washington ayaa waxaa isagana toogasho lagu dilay Allaha u naxariistee Maxamed Kediye oo isaguna ahaa darawar ku shaqeysta waditaanka ganacsiga gaadiidka ee Lyft.

Xilliga la dilayay Maxamed Kediye ayaa wuxuu ahaa mid shaqo ku jiray oo baabuurka ku waday qof kaddibna baabuur kale ayaa soo garab istaagay oo qofkii waday uu toogasho ku dilay Allaha u naxariisto ee Maxamed Kediye, sida uu sheegay mid kamid ah Soomaalida kunool magaalada Seattle Washington ee uu dilka ka dhacay.

Booliiska magaaladda Seattle ayaa sheegay in ayna weli qofna u qaban dilka Maxamed Kediye, balse waxay sheegeen in ay wadaan baaritaan la xiriira dilkiisa.

Dilkan dalka Mareykanka Magaalooyin kamid ah loogu geystay laba rag Soomaali ah ayaa kusoo aadaya xilli dalkaas uu ku sugan yaha6 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Mareykanka oo ka mid ah dowladaha ugu tunka weyn dunida ayaa dalkeeda waxaa inta badan ka dhaca dilal aanan xisaab laheyn maadama dadka shacabka guryahooda ay yaalaan hubka fara badan.

SHARE

LEAVE A REPLY