Beesha Xawaadle oo madaxda Hirshabeelle uga digtay dhismaha Golaha deegaanka degmada Jowhar

0

Odayaal iyo waxgarad ka tirsan beelweynta Xawaadle oo sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay shir uga socday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka digay in dhismaha Golaha deegaanka degmada Jowhar loo maro hab Cadaaladda ka fog.

Waxgaradka Beesha Xawaadle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa uga digay madaxda maamulka Hirshabeelle iyo Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Hirshabeelle ineysan hab dhismeedka Golaha deegaanka degmada Jowhar aysan ku saleynin habkii awood qeybsi ee sanadkii 1993-dii oo ay sheegeen in xiligaasi dalka dowlad ka jirin, islamarkaana Beesha Xawaadle colaado ka jiray dalka ay kaga maqneyd fadhiga dhismahii Golaha deegaanka ee Jowhar ee sanadkaas.

Odayaasha Beesha Xawaadle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ugu baaqay madaxda maamulka Hirshabeelle in dhismaha Golaha deegaanka laga fiirsado oo shabta beelood loogu qeybiyo si cadaalad ku dheehan tahay.

Waxaa sidoo kale waxgaradka Beeshaani ay sheegeen in Golahii deegaanka degmada Jowhar ee la dhisay waqtiyadii kala duwana ee dowladahii dalka soo maray ay beesha Xawaadle door muuqato ku laheyd haatana ay u taagan tahay helitaanka xaquuqdii ay ku laheyd Golaha.

Warkaan kasoo baxay odayaasha iyo waxgaradka Beesha Xawaadle ee gobolka Shabeellaha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo qilaaf xoogan uu ka taagan yahay hab dhismeedka loo marayo Golaha deegaanka degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

SHARE

LEAVE A REPLY