Beesha Caalamka oo si kulul uga hadashay xaalada magaalada Laascaanood

0

Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa markale si adag waxay u cambaareeyeen dagaalka iyo duqeymaha ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Warsaxafadeed ay soo saareen Wakiilada Beesha Caalamka ayay ku sheegeen iney ka walaacsan yihiin xaaladda mururgsan iyo barakaca baahsan ee wali ka taagan magaalada Laascaanood.

Beesha Caalamka waxay sidoo kale qoraalkooda ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin duqeymaha lagu beegsanayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo khasaaraha dhimisho oo ay sababeen duqeymaha ay geysanayaan ciidamada maamulka Somaliland, iyagoona ka dalbaday Somaliland iney joojiso duqeymaha lagu beegsanayo dadka shacabla ah.

“Saaxiibada Beesha caalamka waxay si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan. Waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si deg deg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah ” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka laascaanood, islamarkaana wax walba miiska wadahadalka lagu dhameeyo, iyagoona sidoo kale ugu baaqday dhinacyada dagaalamaya in ay ogolaadaan in gurmad bini’aadannimo la gaarsiiyo dadka barakacay iyo kuwa ku sugan gudaha Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

SHARE

LEAVE A REPLY