Baraf iyo dabeylo xoogan oo ka da’ay dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

0

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya ayaa sheegaya in Shalay halkaasi ay ka da’een baraf iyo dabeylo xoogan oo wada socday.

Wararka ayaa sheegaya in deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Jigjiga iyo Wajaale iney ka da’een barafka iyo dabeylaha isla socda oo la sheegay iney tahay markii ugu horeysay inta la ogyahay oo deegaanadaasi lagu arko baraf iyo dabeylo xoogan oo isla socda

Guddoomiyaha tuulada magaalo qaran oo ka tirsan gobolka Awbare Saxane Yuusuf Barkhadle oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in markii ugu horrayay ay tahay oo deegaankaas lagu arko baraf sida dhagaxa oo kale ah usoo daadanaya.

“Anigu waxaan maamulka qabalaha joogaa 15 sano, 30 sanana hore ayaan u joogay, Weligey ma arag, dadka 70 jirrada ah iyo kuwa 80 jirrada ahna iima aysan sheegin dabaylahan oo kale, Cimiladu ay aad u qaboobayd maalmahii dambe oo Dadka iyo xoolaha dab ayaa loo shiday” ayuu yiri guddoomiye Saxane Yuusuf.

Wuxuu sidoo kale xusay in barafka uu fariistay masaafo dhan 10 KM oo u dhaxeysa deegaanada Gobyarrey iyo Haroreys, kaasoo qariyay dhamaan wadooyinka, hayeeshee lama sheegin khasaaro nafeed oo ka dhashay dabeylaha iyo barafka is watay marka laga reebo waxyeello soo gaartay xarun lagu baaro dadka iyo gaadiidka, iyo saqafka aqallada oo ay qaar dumiyeen dabeylaha iyo barafka.

Dabeylaha iyo barafka ka da’ay saacadahii lasoo dhaafay deegaanada ka tirsan ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa la xiriirinaya iney qeyb ka tahay isbafalka Cimilada
Aduunka.

“Arrimaha aan arkayno waa kuwa aan horay u jirin oo lala yaabi karo maadaama cimilada geeska Afrika ay tahay mid kulul oo aan lagu aqoonin baraf, laakin maadaama dunida isbeddel cimilo oo xoog leh u ka jiro, waxaa la fili kara in heer kulku uu kor u sii kaco ayaa wax kasta la filan karaa, sida baraf, duufaanno, abaaro isku xigsada oo aan horay loo aqoon” ayuu yiri Cabdullaahi Cilmi Maxamed oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha deegaanka, kana faallooda isbeddelka cimilada iyo deegaanka.

Cabdullaahi Cilmi ayaa sidoo kale xusay in isbadalka Cilimada Aduunka ay la socdaan waxyaabo badan oo is xigxiga oo aan horay loo aqoon.

“Jigjiga iyo Wajaale dhexdooda Waa dhul joogiisu sarreeyo marka loo fiiriyo deegaannada ay Soomaalidu degto. Dhulka u dhaxeeya Wajaale iyo Jigjiga dhexdooda ilaa iyo Harar heerkiisa ayaa sarreeya, wuxuuna u dhow yahay daruuraha, balse ma aha micnaheeda in aysan ka dhici karin buurta Daalo ama buuraha isku xiran ee Golis” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay Cabdullaahi Cilmi Maxamed oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha deegaanka.

Dadka ku dhaqan deegaanada u dhaxeeya Jigjiga iyo Wajaale ayaa maanta si weyn u hadal haayo barafka iyo dabeylaha isla socda ee halkaas ka da’ay Shalay, iyagoona ka cabsi qaba in markale ay soo laabdaan dabeylaha iyo barafka is wata.

SHARE

LEAVE A REPLY