Banaanbax looga soo horjeedo xariga Sheegoow oo Muqdisho gilgilay

0

Dibadbaxayaal ka caraysan xarigga Sheegow Axmed Cali oo ah sarkaal la dagaalamay ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho kaas oo shalay la soo qabtay ayaa isugu soo baxay qaar kamid ah wadooyinka muhimka Caasimadda, iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ay ku dalbanayeen in Jenaraalka la soo daayo.

Dhammaan waxaa xirmay ganacsiga waddada Maka Al-mukamara oo ah faras Magaalka Mgaaalada, waxaana lagu arkayay dibadbaxyo isugu jira Caruur, dhallinyaro, dad waaweyn iyo haween kuwaas oo ku dhawaaqyay Erayo ay dowladda uga dalbanayeen soo daynta Sheegow.

Muqaalo laga soo duubay dibadbaxyaasha oo lagu faafiyay Baraha Bulshada ayaa la arkayay kuwaas oo ku sii socda Madaxtooyada Soomaaliya oo ah halka dalka looga arrimiyo iyada oo Ciidama ay Rasaas nool nool u adeegsaneen dibadbaxyaasha.

Weli lamaha Amniga Caasimadda warkama soo saarin dibabax sababay in uu hakad ku yimaado isusocodka Magaalada Muqdisho, iyada oo maalinimadii shalay uu hakad ku yimid shaqada ka socotay Garoonka Aadan Cadde kadib markii ay ku dhaceen hoobiyaal.

SHARE

LEAVE A REPLY